HomeWarkiiXafiiska Ra'iisulwasaaraha oo war ka soo saaray socdaalkiisa Laas-caanood+SAWIRRO

Xafiiska Ra’iisulwasaaraha oo war ka soo saaray socdaalkiisa Laas-caanood+SAWIRRO

May be an image of 4 people, helicopter and text𝐑𝐚’𝐢𝐢𝐬𝐮𝐥 𝐖𝐚𝐬𝐚𝐚𝐫𝐞 𝐗𝐚𝐦𝐬𝐚 𝐂𝐚𝐛𝐝𝐢 𝐁𝐚𝐫𝐫𝐞, 𝐨𝐨 𝐛𝐨𝐨𝐪𝐚𝐬𝐡𝐨 𝐭𝐚𝐚𝐫𝐢𝐢𝐤𝐡𝐢 𝐚𝐡 𝐤𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐠𝐚𝐚𝐫𝐚𝐲 𝐦𝐚𝐠𝐚𝐚𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐋𝐚𝐚𝐬𝐜𝐚𝐚𝐧𝐨𝐨𝐝
Laascaanood, Sabti, 12 Abriil 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool ahna caasimadda Maamulka SSC-Khaatumo.
Ra’iisul Wasaaraha, ayaa markii uu ka degay garoonka Diyaaradaha ee magaalada Laascaanood, waxaa halkaas kusoo dhoweeyay masuulliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hoggaamiyaha Maamulka SSC-Khaatumo, Saraakiil ciidan iyo boqolaal dadweyne ah oo muujinayey taageeradooda ku aaddan booqashada Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Safarka midnimada ee Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa, ayaa qeyb ka ah dadaallada Xukuumadda DanQaran ee lagu xoojinayo midnimada dalka iyo horumarinta adeegyada dowladdeed ee ay u baahan yihiin bulshada reer SSC-Khaatumo.
Mudane Xamsa, oo kumanyaal shacabka Laascaanood ah kula hadlay garoonka, ayaa uga mahadceliyey soo dhowaynta milgaha iyo maamuuska leh ee ay ku qaabileen, isaga oo ku tilmaamay in ay astaan u yihiin midnimada iyo wadajirka Shacabka Soomaaliyeed marwalbana ay difaacan Qaranimada.
—DHAMMAAD—
Wixii Faah-faahin ah kala xiriir
Afhayeenka Xukuumadda, ahna Agaasimaha Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha XRW
Farxaan Maxamed JimcaaleMay be an image of 9 people and daisMay be an image of 5 peopleMay be an image of 5 peopleMay be an image of 6 people and textMay be an image of 6 people and textMay be an image of 9 people and textMay be an image of 8 people and helicopterMay be an image of 2 people, camel and crowdMay be an image of 4 people and textMay be an image of one or more people, camel, crowd and textMay be an image of one or more people, camel and roadMay be an image of one or more people and crowdMay be an image of 1 person and crowdMay be an image of one or more people and crowdMay be an image of one or more people, camel and crowdMay be an image of 2 people and crowdMay be an image of 2 people, crowd and textMay be an image of one or more people and crowdMay be an image of 4 peopleMay be an image of 2 people and crowdMay be an image of 7 peopleMay be an image of 1 person, crowd and textMay be an image of 10 people and textMay be an image of 5 peopleMay be an image of 12 people and daisMay be an image of 2 people and crowdMay be an image of 2 people, crowd and textMay be an image of one or more people and textMay be an image of 9 peopleMay be an image of one or more people and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -