Muqdisho, November 09, 2024: Masuuliyiin Sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Wasiirro ay hoggaaminayaan, wakiillada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo Ergada Diblomaasiyadeed ee ku sugan Muqdisho ayaa maanta ka qaybgalay munaasabadda furitaanka rasmiga ah ee xafiiska Howlgalka Kaalmaynta Ku Meel Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS).

Munaasabadda ayaa lagu xusay kala guurkii Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Soomaaliya (UNSOM) una guuray UNTMIS, is bedelka xafiiskaan ayaa astaan u ah horumarka ay dowladda Soomaaliya ka gaartay isku filnaashaha iyo doorkeeda masraxda caalamiga ah.

Wasiirrada Arrimaha Dibadda, Arrimaha Gudaha, Warfaafinta, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, La Taliyaha Sare Yuusuf Garaad, Madax kale iyo Safiirro ka kala socday dalal kala duwan ayaa ka qeyb galay munaasabadda shaacinta is bedelka xafiiska Qaramada Midoobey ee Soomaaliya oo laga dhigay (UNTMIS).
May be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 8 people, dais and textMay be an image of 6 people and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 5 people, dais and text that says "ር NN S THONS NSTANCE"May be an image of 3 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here