Hantidhowraha Guud ee Federaalka Soomaaliya Abukaate Axmed Ciise Guutaale, ayaa maanta saxiixay Qorshaha Guud ee Baarisyada Xafiiska Hantidhowrka Guud ee sannadkaan 2025.

Qorshaha ayaa ka kooban ilaa lix qeybood, oo uu ku qeexan yahay baaxadda baarisyada kala ah:- Baarista Warbixin Maaliyadeedka (Financial Audit), Baarista Mashaariicda (Project Audits), Baarista U Hoggaansanaanta Sharciga (Compliance Audit), Baarista Waxqabadka (Performance Audit), Baarista Macluumadka Tiknoolojiyadda (Information Systems Audit) iyo Baaritaannada Gaarka ah (Special Audits).

Advertisement

Sidoo kale, Hantidhowraha Guud ayaa inta uusan saxiixin qorshaha cusub la kulmay dhammaan shaqaalaha, isaga oo ku wargaliyey in ay si adag isaga xil-saaraan hawshooda.

Dhanka kale, waxa uu carrabka ku adkeeyay in ay ku taagnaadaan wadada isla-xisaabtanka iyo daahfurnaanta, si ay u soo baxdo natiijo waxtar u ah ilaalinta khayraadka iyo hantida dowladda taas oo xoojineysa dowladnimada Soomaaliya.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Federaalka Soomaaliya, ayaa ah Xafiis kor joogteyn ku samaaeeya hantida dowladda, isaga oo soo saara warbixin sanadeedyo la xiriira meelaha uu ku kala baxay dakhliga khasnadda dowladda

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here