Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS ayaa maamulka sare ee Xafiiska Xisaabiyaha Guud, Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Wasaaradda Maaliyadda iyo Golaha Shacabka ee JFS la wadaagay dulmar kooban oo ku saabsan natiijooyinka muhiimka ah ee ka soo baxay baarista Xafiiska Hantidhowrka Guud ee sannad-maaliyadeedka dhammaaday 31-da Diseembar 2023 ee dhawaan lala wadaagay hay’addahaas.

Xafiiska Hantidhowrka Guud ee JFS wuxuu mar walba u taaganyahay xaqiijinta isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta hannaanka maaraynta maaliyadda dalka iyo xal u helidda caqabadaha dhanka u hoggaansanaanta sharciga ee haysta hay’addaha dowladda, si sare loogu qaado hufnaanta waxqabadka hay’addaha iyo dowlad wanaagga.

Hantidhowraha Guud Ahmed Isse Gutale ayaa Xafiisyadan iyo hay’addaha dowladda uga mahadceliyey kaalintii wanaagsanayad ee ay ka geysteen fulinta Baarista.
May be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 1 person, newsroom and daisMay be an image of 1 person, newsroom and daisMay be an image of 1 person, beard and daisMay be an image of 1 person and daisMay be an image of 2 people and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here