BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ,Wasiir ku xigeenka cadaalada Maamulka Hirshabelle iyo masuuliyiin kale ayaa maanta booqday xabsiga dhexe Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Saraakiisha sare ee maamusha Xabsiga dhexe Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa warbixin naxdinteeda leh waxay ka gudbiyeen Xabsigaas iyo dadka ku xiran.
Arinta naxdinta leh ayaa ah in xabsiga uusan heysan inta ugu badan imkaaniyaadkii muhiimka ahaa sida biyaha ,korontada iyo waliba daryeelka maxaabiista oo ay u sii dheer tahay xabsiga oo aan mudo helin wax dayac-tir ah.
Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan ayaa balan qaaday inay wax ka qabanayaan dhibaatada ka taagan xabsiga gaar ahaan dhanka biyaha iyo korontada halka dayactirka uu sheegay inay la kaashan doonaan Faderaalka, hirshabelle iyo hay’adaha caalamiga ah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement