GAZA (DAYNIILE.COM)-Milatariga Israel ayaa sheegay in duulaanka dhulka ee koonfurta Gaza ee Rafah uu socdo, ciidamaduna ay ku sii qulqulayaan waqooyiga meel u dhow magaalada Beit Lahiya iyo bartamaha magaalada.
Ugu yaraan 200 oo carruur ah ayaa la dilay tan iyo markii Israa’iil ay dib u billowday dagaalka ay ku hayso deegaannada go’doonsan ee Falastiin toddobaadkan, sida ay sheegtay UNICEF.
In ka badan 590 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerarrada tan iyo markii Israa’iil ay jebisay xabad-joojinta Gaza Talaadadii, mas’uuliyiinta caafimaadka ayaa sheegay, waxaana sii kordhaya tirada dhimashadu iyadoo weerarada cirka iyo weerarada dhulka ee Israa’iil ay sii kordhayaan.
Sidoo kale Wasiirka difaaca Israel Katz ayaa sheegay in Israa’iil ay qabsan doonto dhulka Gaza ilaa Xamaas ay ogolaato in ay sii deyso dhammaan maxaabiista weli ku xiran Marinka.
“Mar kasta oo Xamaas ay ku sii adkaysato diidmadeeda ah in ay sii deyso la haystayaasha, waa inta dhul badan oo ay lumin doonto, kaas oo lagu dari doono Israa’iil,” ayuu yiri wasiir Katz sida laga soo xigtay The Jerusalem Post.
Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in ugu yaraan 49,617 falastiiniyiin ah la xaqiijiyay in ay dhinteen 112,950 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka Israa’iil ee Gaza.
Xafiiska warbaahinta ee dawladda Gaza ayaa cusboonaysiiyay dhimashadeeda in ka badan 61,700, isaga oo sheegay in kumanaan Falastiiniyiin ah oo lagu la’yahay burburka hoostiisa loo malaynayo inay dhinteen.
Ugu yaraan 1,139 qof ayaa lagu dilay Israa’iil intii lagu guda jiray weerarradii ay Xamaas hoggaaminaysay Oktoobar 7, 2023, in ka badan 200 oo qofna waa la qafaashay.
SOURCE
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM