Liverpool ayaa heshay warar kala duwan oo ku saabsan dhanka dhaawaca inta lagu guda jiro fasaxa caalamiga ah ee ugu horeeya sanadka.
Reds ayaa la soo deristay cabsi dhowr ah ka dib guuldaradii finalka Carabao Cup ee ka soo gaartay Newcastle iyadoo kooxda Arne Slot ay lumisay fursad ay ku heli lahayd koobkii ugu horeeyay ee xilli ciyaareedka gudaha Ingiriiska.
Guuldaradaas ayaa timid maalmo uun ka dib markii ay ka hartay Champions League Kadib Guuldaradii ka Soo gaadhay PSG
Laakiin Liverpool ayaa ugu cadcad ku Guulaysiga Premier League iyada oo 12 dhibcood ka horaysa kooxda kaalinta 2-aad ku jirta ee Arsenal.
Slot ayaa rajaynaya in xiddigaha aadan waajibaadka xulalkooda ay Soo laabtaan iyaga oo taam ah.
Iyadoo taasi jirto, halkan waa dhammaan wararkii ugu dambeeyay ee dhaawacyada Liverpool iyo taariikhaha soo laabashada.
Alisson ayaa la filayaa in uu taam buuxa u noqdo kulamada inkasta oo dhaawac looga saaray Waajibaadka Xulkiisa.
Xiddigaha Harvey Elliott iyo Ryan Gravenberch ayaa sidoo kale la filayaa In Uu taam u noqdo kulanka Everton.
Xiddiga Trent Alexander Arnold ayaan wali la ogayn in uu taam buuxa u noqon doono kulanka everton.
Xiddigaha Joe Gomez iyo Conor Bradley ayaa la filayaa in ay sidoo kale wali sii maqanaadaan iyaga oo aan wali ka Soo kabsan dhaawacyadii ay qabeen