NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Dowlada Kenya William Ruto ayaa wax ka badalay amar hore loogu soo rogay Soomaalida Xaafada Islii ee Nairoobi ineysan dabaqyada ka dheeren karin karin 12 biyaano.

badalay mowqifkiisii ​​hore ee ku aadana xadidaadda dhirika ee dhismayaasha dhaadheer ee ka ag dhow

Advertisement

Xaafada islii ee Soomaalidu degto kuna ganacsato waxaa ka ag dhaw saldhigga ciidamada hawada ee Moi Airforce Bas balse hada Madaxweynaha Kenya ayaa amar cusub ka soo saaray xadidaadda dhirika ee dhismayaasha dhaadheer gaar ahaan xaafada islii.

Madaxweynaha Kenya William Ruto wuxuu Soomaalida u fasaxay inay dhismayaasha dabaqyadooda Islii gaarsiin karaan 25 ama 30 biyaano.

“Waxaan ahay hoggaamiyaha ugu sarreeya Kenya, xaafadda Islii markii hore ma dhisan kartid dhisme ka dheer 12 dabaq, balse hadda waxaan caddeeynaya in aad dhisi kartaan ilaa 25 ama 30 dabaq”, ayuu yiri William Ruto bishii dhamaatay ee May.

Madaxweynaha ayaa shalay mar uu Xaafada Islii soo gaaray islamarkaana ka qeybgalay munaasabadda 60 sanadguurada ka soo wareegtay xilligii la aasaasay ciidamada hawada ee dalkaasi wuxuu carabka ku adkeeyay in xeerarkii hore ee la dejiyay la raacayo kaasoo xadidaya dhirirka dhismayaasha ka ag dhow salhigga ciidamada hawada dalka ee xaafadda Islii

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here