NAIROBI (DAYNIILE.COM)-Wararka laga helaayo Magaalada Nairobi ee xarunta Dalka Kenya ayaa sheegaya in xalay waqti danbe wiil Soomaali ah lagu dilay Xaafada Soomaalida ku badan tahay ee Islii.

Warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in wiilkaani oo dhalinyaro ahaa islamarkaana dhowr iyo labaatan jir ahaa lagu dilay 12 Street oo ka tirsan xaafada Islii, waxaana dilkiisa ka danbeeyay kooxo burcad ah sida wararku u bateen.

Advertisement

Laba arin oo kala duwan ayaa ka soo baxaya ujeedka burcada, wararka qaar ayaa sheegaya in wiilkaasi uu watay lacag sidaasna loo beegsaday halka warar kale sheegayaan in Mobile uu watay laga qaatay islamarkaana rasaas looga dhuftay qaarka hore ee jirkiisa sidaana uu ugu geeriyooday isla goobta.

Hay’adaha amaanka Dowlada Kenya ayaa ku howlan sidii ay burcadaasi gacantaasi ugu soo dhigi lahaayeen xili  Hay’aaha danbi baaristuna gacanta ugu hayeen arinta nin Soomaali ah oo isna laayay Gabdho Soomaaliyeed.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here