DHUUSA-MAREEB (DAYNIILE.COM)-Warar ka soo baxaya Magaalada Dhuusa-mareeb ayaa sheegaya in maanta duhuradii lagu dilay wiil dhalinyaro ahaa oo ka soo jeeda asal ahaan deegaanada Maamulka Koofur-galbeed.
Wiilkaan ayaa la sheegay in lagu dilay toorey kadib muran ka dhashay suuqa qaadka lagu iibiyo kaasoo dhexmaray isaga iyo haweeney qaadka ka ganacsata.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya wiilka la dilay in saaxiibkiis oo la socday uu lacag u direy isaguna uu ku haray kabarka qaadka si uu u sii xusho qaad balse haweeneydu ka carootay markii uu gacan marnaan la soo noqday kii lacagta doonay sidaasna ay ku dalbatay kor iyo hoos in qaadkeedu u gadan yahay madaama waqti ay gelisay xulshada ayna diyaarisay halka wiilashana ay soo jeediyeen inay deyn ku siiso ama ay qaadkeeda ceshato
Wararku waxay tilmaamayaan in muranka gabadha iyo wiilka ay ku soo baxeen dhalinyaro ku heyb ah haweeneyda kadibna ay gacanta iskula tageen wiilka la dili doono , mid la socday iyo dhalinyaradii gabadha dhankeeda ka socday taasoo ugu danbeyn kaantay in toorey la geliyo wiilka kadibna uu isbitaalka ugu geeriyooday dhaawac gaaray dartiis.
Laamaha amaanka wali lama soo sheegin inay soo wada xireen dadkii ka dambeeyay khasaaraha dhimasho ee ka dhashay muranka qaadka la kala iibsanayay.
Dadka asal ahaan ka soo jeeda Koofur-galbeed kuna dhaqan Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa isu soo bax ka sameeyay magaalada iyagoo dalbaday  in sharciga la horgeeyo kuwii dilka ka danbeeyay islamarkaana cadaalad ay helaan qoyska ninka la dilay.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM