XIGASHO LAACIB.NET
Wariye u dhashay Catalonia ayaa qirtay inuu ka baqay “in xabsi la dhigo” kaddib markii uu ku sigtay inuu jiiro laacibka da’da yar ee Barcelona, Lamine Yamal.
Jose Antonio Ponseti, oo ka tirsan warbaahinta Cadena SER, ayaa mashquul ku ahaa howlaha shaqo xilli la xusayay Maalinta Sant Jordi ee la dabaaldego 23-ka Abriil. Isaga oo ku jiray hawlo shaqo ayuu bilaabay inuu si degdeg ah u socdaalo.
Mar uu meel marayay, ayuu si dirqi ah uga badbaaday inuu gaarigiisa ku dhufto Yamal oo 17 jir ah. Nasiib wanaag, masiibo ayaa laga hortagay. Barcelona ayaa si gaar ah uga taxadarta badbaadada xiddigii ugu dambeeyay ee kasoo baxay akadeemiyadooda caanka ah ee La Masia.
Ponseti ayaa u sheegay El Larguero: “Waxaan hayaa sheeko qosol badan oo igu dhacday xilli aan buuth-yo ka boodboodayay intii lagu jiray Maalinta Sant Jordi. Galabtii ayaan si dirqi ah ku jiiri gaadhay Lamine Yamal! Waxaan ku dhici gaaray anigoo degdegaya, waxaan ku iri, ‘Ninyahow, maxaad halkan ka qabanaysaa?’ Wuxuu la socday kooxdiisa Ilaalada.”