XIGASHO LAACIB.NET
Liverpool ayaa suuqa ugu jirta weeraryahan cusub, waxaana jira magac si weyn looga hadlayo oo la sheegay inuu yahay kan ugu badan ee hadda afka dadka ku jira.
Darwin Núñez iyo Diogo Jota ma aysan soo bandhigin waxqabad joogto ah xilli ciyaareedkan. Taasi waa arrin si cad loo arko.
Núñez si gaar ah ayaa loogu eedeeyay inuu yahay mid aan lagu kalsoonaan karin marka uu hortago goolka. Inkastoo arrintaasi ay niyad jebin tahay, hadana waa sheekada hadheysay ciyaaryahanka reer Uruguay tan iyo markii uu yimid kooxda.
Wuxuu u qabtaa wax walba oo kale si heer sare ah – wuxuuna u dhow yahay 95% weeraryahan dhammaystiran. Laakiin qeybta ugu muhiimsan – dhammaystirka goolasha – kuma fiicna.
Wariye Lewis Steele oo ka tirsan Daily Mail ayaa sheegay in magaca uu hadda aad u maqlo marka laga hadlayo weeraryahanka cusub ee Liverpool uu yahay Hugo Ekitike. Xiddiga Eintracht Frankfurt ayaa la filayaa inuu xagaaga u dhaqaaqo koox kale, iyadoo qiimihiisa lagu qiyaasayo £60 milyan.
Waxaana laga yaabaa inuu noqdo ikhtiyaarka ugu fiican ee Liverpool heli karto. Horay ayaan u sheegnay in Ekitike uu ka fiicnaan karo Alexander Isak marka loo eego qiimaha iyo fursadda kobaca mustaqbalka.
Weeraryahanka reer France ayaa ah xulasho dhaqaale ahaan macquul ah, isla markaana leh karti weyn. Runtii, waxaa suurtagal ah inuu noqdo ciyaaryahan la mid ah Isak sanadaha soo socda.