Weerar cir iyo dhul ah ayay ciidamada Dowlada Somalia iyo kuwa deegaanka waxay xalay ku ekeeyeen meelaha ay kooxda Alshabaab ka sugan yihiin Gobolka Shabeelaha dhexe oo maalmihii ugu dambeeyay ay dagaalo culusi ka socdeen.
Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in weeraradaani Alshabaab looga qaaday dhowr jiho xili diyaaradaha dagaalkana ay kow ka caawinayaan ciidamada Dowalada.
ma jirto faah faahin dheeraad ah oo aan ka helnay khasaaraha ka dhashay dagaalkaani xalay saqdii dhexe ay Dowladu ku qaaday Alshabaab iyo waliba hadii ay jiraan deegaano Dowladu kula wareegtay.
Bilihii ugu dambeeyay Dagaalamayaasha Alshabaab ayaa maleeshiyaad badan soo geliyeen Gobolka Shabeelaha dhexe iyagoo deegaano dhowr ah qabsaday walow inta badan dib looga saaray markii ciidamo badan ay xamar gobolada kale ka soo gurmadeen.
Wixii faah faahin laga helo howlgalka xalay wararkeena dambe ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM