=XIGASHO BBC SOMALI=
Hawlgalka Midowga Yurub ee EUNAVFOR ATALANTA ee la dagaallanka burcad Badeeda biyaha Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in 17kii Bishan lagu soo wargeliyey weerar looga shakisan yahay inay burcad badeed ku qaadeen doon laga leeyahay Yemen.
Doontan ayuu hawlgalku sheegay in lagu magacaabo Garmaal, ayna maraysay markii la weerarayey meel aan ka fogeyn biyaha ku aaddan degmada Eyl ee maamul goboleedka Puntland.
Hadal qoraal ah oo ay soo saareen hawlgalka ATALANTA ee Midowga Yurub ayey ku sheegeen in xogta soo gaartay ay baarayaan.
Waxay intaa ku dareen “EUNAVFOR ATALANTA waxay isha ku hayaan arrinta, waxayna si isku xiran u wada shaqaynayaan ciidanka badda ee wadajirka ah (CMF) iyo ilaalada xeebaha ee Yemen. Intaa waxaa dheer, in la sameeyey xiriir joogto ah oo dhex mara booliska badda ee Puntland (PMPF), oo ka mid ah booliska Soomaaliya ee muhiimka u ah la dagaallanka burcad badeedda”.
Arrintan ayaa timid10 maalmood ka dib markii doon kalluumaysi oo ku safraysay calanka Yemen, laguna magacaabo Al Najma ay la kulantay weerar burcad badeed 8 Febraayo, taasoo la soo furtay 13kii Bishan Febraayo.
Hawlgalka ATALANTA ayaa u diray ciidan badeed iyo kuwo cir aggaas oo ku aaddanaa Eyl, kuwaasoo baaritaan ka sameeyey aagga markii weerarka la soo sheegay, ka dibna helay halka doonta lagu haysto.
Doonta ayey sheegeen saraakiisha hawlgalka in la sii daayey markii ay u soo dhawaatay xeebaha Soomaaliya.
Hawlgalka ATALANTA ayaa sii deyntan la xiriiriyey sida degdegta ah ee ay ciidankooda ku gaareen halkaas, gaar ahaan helikobtar dusha ka taageeraysay ciidanka, taasoo qayb weyn ka cayaartay sii deynta doonta.
Waxay intaa ku dareen inay ciidankoodu doonta fuuleen, ka dibna ay qiimeeyeen xaaladda doonta iyo shaqaalaha saarnaa oo 12 qof ahaa, xaaladoodana ay fiicnayd.
“Kooxda ka socotay ATALANTA ee doonta fuushay ayaa soo uruuriyey waxyaabo caddaymo u noqon kara weerarka, kaasoo weli baaritaan uu ku socdo. Intaa waxaa dheer in doontan kalluumaysiga ay caawiyeen, ka dib markii cillad dhanka matoorka ah ay la soo deristay, waxayna kooxdaas xaqiijiyeen in burcad badeeddii la sheegayey ay doonta iskaga tageen, ayagoo hore u sii xaday alaab shaqsi ahaaneed iyo laba saxiimadood oo doontu lahayd” ayaa lagu sheegay qoraalka hawlgalka midowga Yurub ee la dagaallanka burcad badeedda, kaas oo ah hawlgal soo billowday dabayaaqadii 2008.
Maxaa keenay dib u soo laba-kaclaynta burcad badeedda ee xeebaha Soomaaliya?
“Dalka ma laha fursado badan oo dhaqaale, taasna waxay keenaysaa in dhallinyaradu ka fekeraan qaabab kale oo dhaqaale xumada iyo shaqo la’aanta ay kaga gudbaan. Qayb ahaan, arrintaas waxay keenaysaa in ay nolol raadiyaan, kana raadiyaan badda. Caqabadaha ay la kulmaan waxaa ka mid ah kalluumaysiga sharci darrada ah iyo qaar laysan kalluumaysi la siiyo oo hubin iyo koontarool badan lahayn, kuwaasoo badda aad ugu jira” ayuu yiri Cabdi Xasan Xuseen (Cabdi Yare) oo ah taliyihii hore ee sirdoonka Puntland.
Wuxuu intaa ku daray in kalluumaysatada ruqsadaha la siiyo ay yimaadaan meelo aan ahayn meelihii loo asteeyey, sidaa darteedna ay taasi keento in kalluumaysatada yaryar ay dhibaato kala kulmaan, sida in laga jiiro shabakadihii iyo qalabkii kalluumaysiga.
“Taa waxay keentay in dhallinyaradu ay caro ka qaadaan, ayadoo ay u dheer tahay in burcad badeednimada looga bartay in lacago badan laga sameeyo. Arrimahaasoo isbiirsaday iyo hay’adihii koonatroolka badda ku shaqada lahaa oo meesha ka maqan” ayuu yiri Jeneraal Cabdi Yare.
Falalkan burcadda ayaa gaaray heerkii ugu sarreeyay sannadkii 2011-kii, markaasoo Qaramada Midoobay ay sheegtay in in ka badan 160 weerar ay ka dhaceen xeebaha Soomaaliya.
Intii u dhaxaysay 2005-tii iyo 2012, burcad badeeda Geeska Afrika waxay waxay ak sameeyeen afduubka inta u dhaxaysa $339m ilaa $413m.
Dhacdooyinka falalka burcad-badeednimada ayaa aad hoos ugu dhacay sanooyinkii u dambeeyay, balse waxaa labadii sano u dambeeysay xeebaha Somaaliya ka dhacay dhawr weerar oo ay burcad badeeddu fuliyeen.
Arrintan ayaa waxa ay sababtay walaaca ay qabaan khubarada dhanka ammaanka badda oo sheegay in laga yaabo in mar kale ay xoog u soo ifbaxaan burcad baddeeda weerarada ka geysta xeebaha Soomaaliya.
=XIGASHO BBC SOMALI=