CEEL-DHEER (DAYNIILE.COM)-Wararka naga soo garaayo Degmada Ceel-dheer ee Gobolka Gal-gaduud ayaa shegaayo in ciidamadamacawisleydu ay saakay waaberigii weerar ku qadeen degaan hoostaga degmadaasi oo alshabaab fadhiisin u aheyd.
Weerarkaan oo ahaa mid qorsheysan ayaa lagu ekeeyay maleeshiyaadkii ku sugnaay tuuladaas sida uu sheegay salkaal u hadlay ciidamada macawisleyda ceeldheer,wuxuuna intaasi ku daray inay sidoo kale ka eryeen alshabaab goobtaasi oo ay iyagu ku sugan yihiin.
Sarkaalka wuxuu xusay in ugu yaraan 5 dagaalame lagu dilay dagaalkaasi sidoo kalana hub iyo saanadna looga soo furtay isla kooxda alshabaab.
Sargaalka wuxuu intaa raaciyay in hal askari oo ku dhawacmay howlgalkaas u markii danbe u geeriyooday.
Tan iyo markii ay alshabaab soo weerareen degmada ceeldheer macawisleyda Mesegawaay iyo Ceeldheer oo kaashanaayo ciidamada xooga ayaa qadaayay weeraro qorsheysan oo mira dhal noqday.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM