SUMY (DAYNIILE.COM)-Weerar dhimsho badan sababtay ayaa laga soo sheegayaa saaka oo axad ah in Ruushku ka fuliyay Magaalo ka mida Dalka Ukraine.
Weerarkaani oo ay ka dambeeyaan ciidamada Ruushka waxay ku dhintay 31 ruux halka 84 kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasoo dhamaantood shacab ahaa sida ay sheegtay Dowlada Ukraine.
Madaxweynaha Ukraine oo durba ka hadlay ayaa ku baaqay in jawaab caalami ah laga bixiyo weerarka lagu dilay laguna dhaawacay tobanaan qof.
magaalada Sumy ee waqooyi bari ee dalka Ukraine ayuu weerarkaani gantaalada ah ku dhacay waxaana gaaray gaadiidka dam-damiska madaama duqeymuha ay ku gubteen gaadiid nuuca raaxada ah.
“Laba gantaal ayaa ku dhacay wadnaha magaalada abaaro 10:15am (07:15 GMT) iyadoo dadku ay isugu soo baxeen si ay ugu dabaaldegaan Palm Sunday, oo ah maalinta koowaad ee toddobaadka Quduuska ah ee Masiixiyiinta, sida ay sheegeen saraakiisha” ayaa lagu yiri warbixinta Dowlada Ukraine
Qoraal uu soo dhigay baraha bulshada ayuu madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ku sheegay in dhimashada ay ku jiraan labo caruur ah, wuxuu intaas ku daray in ugu yaraan 84 qof ay ku dhaawacmeen weerarka argagaxa leh.
“Waa muhiim in dunidu aysan iska aamusin ama aysan dan ka lahayn, weerarrada Ruushku waxay mudan yihiin wax aan ahayn cambaarayn,” ayuu mar kale yiri MAdaxweyne Zelenskyy
Dhanka kale wuxuu ugu baaqay dunida in Ruushka cadaadis lagu saaro joojinta dagaalka islamarkaana loo dammaanad qaado ammaan dadka shacabka ah.
SOURCE ALJAZEERA
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM