Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay 22 kalena waa ay ku dhaawacmeen weerar lagu qaaday xarunta shirkadda hawada sare ee shirkadda difaaca ee Turkish Aerospace Industries (TUSAS) oo ku dhow caasimadda Ankara, sida uu sheegay madaxweynaha Turkiga.
Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, oo wadahadal la lalahaa madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin markii uu weerarku dhacay galabta , ayaa xaqiijiyay khasaaraha, wuxuuna cambaareeyay wax uu ku sheegay Weerar Argagixiso oo aad u xun.
Laba ka mida kooxihii argagixisada ahaa ayaa laga takhalusay kadib weerarkooda arunta shirkadda hawada sare.
Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Turkiga Ali Yerlikaya ayaa ku qoray X. in dadka la dilay ay ku jiraan rag iyo dumar weerarka soo qaaday.
Muuqaal laga soo duubay goobta uu weerarka ka dhacay oo ay baahiyeen warbaahinta maxalliga ah wax yar ka dib weerarka, oo dhacay 3:30 galabnimo ee xilliga maxalliga ah (12:30 GMT), ayaa muujinaya qiiq aad u weyn iyo dab xooggan oo ka kacaya goobta oo ku taal Kahramankazan, oo ah magaalo yar oo 40 a kiiloomitir (25 mayl) waqooyiga ka xiga Ankara.
Sida ay ku warameen warbaahinta gudaha goobta ayaa waxaa ka dhacay qarax xoogan iyo rasaas.
Sawirro laga soo qaaday kamaradaha ammaanka oo ay baahiyeen warbaahintu, ayaa muujinayay nin xidhan dhar cad oo boorso dhabarka ku sita, isla markaana haysta qoriga darandooriga u dhaca, Sawirada ayaa sidoo kale ka muuqday qof dumar ah oo hub sita.