Waxaa soo dhacay telefoonkeeda. Aamino Maxamed Cabdi waxay fadhidaa kursi horteyda ah. Waxaan dareemay in war culus loo sheegay balse dareenkeeda isma bedelin. Waa fiid hore oo aan joogno gurigeeda Muqdisho.
“Caawa guriga ha seexanin, waxaa laga yaabaa in lagu soo weeraro.!” ayaa qofka soo wacay uu ku wargaliyay.
Mar dambe ayaan ogaaday in qofka soo wacay uu ahaa xildhibaan kale. Weerarku wuxuu ahaa mid laga soo qorsheeyay hay’adda Nabadsugidda.
Waxaan si deggan ugu sheegay inay talada raacdo, oo aysan fududeysan digniinta, waxaana u sheegay in digniin kasta (xitaa haddii aysan 100% dhicin) ay tahay in si dhab ah loo qaato, illaa xaaladda ay caadi ka noqoto.
Way iga aqbashay. Waxay u yeertay darawalkeeda, una sheegtay inuu gaariga iyo ilaaladeeda loo diyaariyo.
Dhacdadaas waxay ahayd kaliya hal dhacdo, oo ka mid ah tiro hanjabaado, isku dayo dil oo ay inta badan iyada ii sheegtay.
Habeenkaas aan sheekeysanayno waxay ii sheegtay inay rabto inay markale tartanto doorashada 2021/2022, iyadoo og khataraha ay ku jirto. Waxay ahayd geesinimo ay rag iyo dumar badan dheereyd.
Laga bilaabo bartamihii 2021, oo aan Aamino shakhsiyan bartay, waxaan la kulmay Aamino dhowr jeer. Marar dambe waxay iga codsatay inaan talooyin ka siiyo dhowr hindise sharciyeed oo ay iyada wax ka diyaarisay – gaar ahaan guddi hoosaadka baarlamaanka ee ay ku jirtay.
Waxaa ka mid ahaa:
1. Dood ku saabsanayd dilka bajaajleyda Muqdisho oo aad u soo laa-laabtay, rabtayna in wax laga qabto;
2. Kiiskii Ikraan Tahliil (oo aan anigu u noqday afhayeenka qoyska Ikraan Tahliil ka dib markii la waayey qof kale oo ku dhiirada). Xitaa aniga lafteyda la iigu hanjabay kiiskaasi ka hadalkiisa balse aan goostay inaan ka aamusin;
3. Hindise sharciyeed ku saabsanaa waxbarashada carruurta aan awoodin dhaqaalaha waxbarashada (oo ay Aamino aad ugu ol’oleysay maadaama ay ahaan jirtay macallimad);
Markasta oo ay Aamino iiga baahato dhiirigalin ama talo waxaan u ahaa diyaar, waayo waxaan aaminsanaa inay ahayd gabadha kaliya ee kursi baarlamaanka ka dhex qaadatay rag aad uga soo horjeeday, haddana ka dhex muuqatay barlamaanka iyo siyaasadda!
Waxay ahayd qof martida qadarisa, xitaa iyadoo shaqaale u joogo ayay iyada noo adeegi jirtay markaan gurigeeda la joogno. Waxay ahayd qof la hadasha oo dhageysata qofkasta oo wax uga soo baahda- gaar ahaan dhallinyarada shaqo raadista ee u baahda xildhibaan saacida.
Muddo yar oo kala mashquulnay ka dib ayaan ogaaday inay Beledweyne aaday bishii March 2022, iyada oo halkaas ka bilawday ol’olaha kursigeeda. Waan u duceeyay in markale Alle ku guuleeyo. Waana qabay rajo ah inay heli karto maadaama aysan jirin cid kale oo iyada u dhigmi kartay markaas.
Galabkii 23 March 2022 ayaa lagu dilay Beledweyne, goob ku dhex taalla madaxtooyada Hirshabeelle, oo mas’uuliyiinta sare iyo kuwa amniguba joogaan.
Maanta waa saddex sano guurada dilkii AAMINO MAXAMED CABDI. Waxaa nasiib darro ah inaan illaa hadda la bilaabin baaritaanka kuwii ka dambeeyay dilkeeda. Marka loo eego qaabka qaraxu u dhacay iyo sida iyada loogu beegsaday waa arrin shaki weyn hareeyay, una baahan in si sax ah loo baaro.
Illaahay idankiisa waxaan gaari doonaa maalin aan awood u yeelan doono inaan hal hal u baarno, una soo bandhigno dhammaan intii ku lugta lahayd dilka Aamino.
Illaahay u naxariiso Aamino Maxamed Cabdi! Illahayow qabrigeeda u waasici! Illaahayow jannooyinkaaga ku casun.
اللهم اجعل قبرها روضةً من رياض الجنة، وأبدلها دارًا خيرًا من دارها، وأهلًا خيرًا من أهلها.
اللهم اجعلها من أهل الفردوس الأعلى، وارزقها النور والرحمة والمغفرة، واجمعنا بها في جنات النعيم.
آمين يا رب العالمين.
W/Q: Abdalle Ahmed Mumin