JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Masuulka u sareeya Maamulka Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa markii ugu horeysay saxaaada u sheegay in la qabtay qaar ka mida maleeshiya beeleedkii dilay 2 maalin ka hor ciidamo ka tirsan Milataiga somalia .

Maxamuud Maxamed oo ah Gudoomiyaha gobolka Shabeelada Dhexe ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in gacanta lagu soo dhigay tira ka mida kuwii dilka arxan darada ah geystay.

Advertisement

“Waxaan gacanta ku dhignay qaar kamid ah dadkii dilay askartii Qaranka halka aan ku dabajirno inta hartay”.ayuu yiri Gudoomiyaha .

Falkaan ciidamada lagu laayay khamiistii ayaa ka dhacay tuulo hoos tagta Magaalada Ceel-baraf kuwaasoo ka tirsanaa allaha u naxariistee milatariga Somalia.

Ciidamadaam ayaa ka soo jeeday Gobolka Hiiraan waxaana fasax la siiyay darteed ay u socdeen reerahooda balse maleeshiyaad ka soo jeeda Gobolka Shabeelaha dhexe ayaa wadada u galay halkaasna ku laayay ciidamadaasi oo ka koobnaa 7 askari.

dhacdadaan ayaa saameyn weyn ku yaalatay bulshada madaama ay ahayd dhacdo laga wada naxay gaar ahaana in askar qaranka ka tirsanaa loo dilay aano qabiil.

Si kastaba Wasiirka Gaashaandhiga Somalia C/qaadir Maxamed Nuur ayaa shalay balab qaadat in Dowlada Somalia 48 saac ku soo qaban doonto maleeshiyaadka laayay ciidamada Dowalada Somalia.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here