MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Intii ay socotay Munaasabadii Saaka ay xilka ku kala wareegayeen Taliyaha cusub ee Booliiska Asad Diyaano iyo Taliyihii hore Sulub Axmed Firin ayaa waxaa dhacday sheeko dhex martay Booliiskii soo camirey hoolka xilka wareejinta iyo Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi-Barre.

Ra’iisulwasaaraha ayaa markii loogu yeeray hadal jeedintiisa munaasabada xil-wareejinta wuxuu khudbadiisa ka wadi waayay sawaxanka ama hadalada ciidamada Booliiska ee fadhiyay hoolka xil wareejinta taasoo sababtay inuu Xamxe Cabdi-Barre khudbadii wadi waayo.

Advertisement

Ra’iisulwasaaraha waxaa u furneyd sedex talaabo waa mida 1-aade  inuu khudbada isagoo wada yara joojiyo si hoosana oo dheg ku sheeg ahna ku amro saraakiisha inay aamusiyaan  Booliiska si uu khudbadiisa u sii wato, talaaabada 2-aad inuu si live ah iyadoo dunida oo dhan laga waanayo khudbadiisa ugu dhex canaanto booliiska qeylinaya kuna yiraa aamusa aan idinka hadalnee iyo talaabada 3-aad oo ahayd inuu ka gaabsado khudbadiisana iska wato iyagoo qeylinaya.

Hadaba Ra’iisulwasaaraha wuxuu qaatay inuu talaabada ahayd inuu si live ah warbaahinta iyo ka soo qeybgalayaasha hortooda ugu canaanto ,wuuna sameeyay isagoo si toos ah ugu canaantay ilaa uu sheegto inuu macalin hore yahay islamarkaana uu jecel yahay markuu hadlayo in la dhageysto inkastoo uu reer magaaleeyay oo yara kaftan ka dhigay isagoo iska ilaaliyay inuu xanaaqiisa muujiyo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of one or more people, dais and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here