Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya iyo Booliska Caalamiga ah ee (Interpol) ayaa maanta kala saxiixday heshiis iskaashi oo muhiim ah. heshiiskan ayaa diiradda saari doona dhowr arrimood, kuwaas oo kala ah:
𝟭. 𝗞𝗮-𝗵𝗼𝗿𝘁𝗮𝗴𝗴𝗮 𝗗𝗮𝗺𝗯𝗶𝘆𝗮𝗱𝗮 𝗔𝗯𝗮𝗮𝗯𝘂𝗹𝗮𝗻.
𝟮. 𝗞𝗼𝗿 𝘂 𝗤𝗮𝗮𝗱𝗶𝗱𝗱𝗮 𝗔𝗺𝗻𝗶𝗴𝗮 𝗦𝗼𝗰𝗱𝗮𝗮𝗹𝗸𝗮
𝟯. 𝗫𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 & 𝗜𝘀𝗸𝗮𝗮𝘀𝗵𝗶𝗴𝗮 𝗛𝗦𝗝 & 𝗕𝗼𝗼𝗹𝗶𝘀𝗸𝗮 𝗖𝗮𝗮𝗹𝗮𝗺𝗶𝗴𝗮 𝗮𝗵.
𝟰. 𝗦𝗮𝗿𝗲 𝘂 𝗾𝗮𝗮𝗱𝗶𝗱𝗱𝗮 𝘅𝗶𝗿𝗳𝗮𝗱𝗮𝗵𝗮 𝗔𝗺𝗻𝗶 𝗲𝗲 𝗦𝗮𝗿𝗮𝗮𝗸𝗶𝗶𝘀𝗵𝗮 𝗛𝗦𝗝.
𝟱. 𝗕𝗮𝗮𝗱𝗶𝗴𝗼𝗼𝗯𝗸𝗮 𝗗𝗮𝗱𝗸𝗮 𝗟𝘂𝗺𝗮𝘆.
Taliyaha Hoggaanka Booliska Caalamiga ah ee Soomaaliya oo munaasabadda heshiiska ka hadlay ayaa ugu horeyn ku ammaanay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka, Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, mudada kooban ee uu joogo hey’adda. sida uu uga mira dhaliyay dhaqangalka heshiiskaan oo muhiim u ah HSJ, Taliyaha ayaa ayaa sidoo kale u mahaceliyay gudigii ka socday dhanka Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ee sida hagar la’aanta ah kala soo shaqeeyay heshiiskan.
Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka, Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow, ayaa dhankiisa u mahadceliyay guddiga HSJ iyo Booliska Caalamiga ah (Interpol), gaar ahaan hogaankooda Soomaaliya, isagoo ku tilmaamay heshiiskan mid muhiimad gaar ah u leh xoojinta dadaallada la-dagaallanka xagjirka iyo ka hortagga dambiyada socdaalka ee Soomaaliya, tan gobolka, iyo guud ahaan Caalamka.
Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud Mudane Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow ayaa wafdiga Interpol booqasho ku geeyay Xafiiska Ka-hortagga Dambiyada Socdaalka, Fraud Detection Unit (FDU) ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, halkaas oo ay warbixin kooban kaga dhageysteen saraakiisha ka howlgala xafiiskaan.