Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta XFS Xildhibaan Cali Yuusuf (Cali Xoosh) oo qeyb ay ka yihiin Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS Mudane Cabdiraxmaan Yuusud iyo Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Kalluumeysiga iyo Dhaqaalaha Buluugga ah Mudane Cali Ifiye Cali ayaa maanta gaaray caasimadda dowlad goboleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.
Soo dhaweynta kadib, wafdiga ayaa loo gelbiyey qasriga Madaxtooyada Galmudug, halkaas oo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qooru u ku soo dhaweeyey masuuliyiintan ka socotay dowladda federaalka Soomaaliya.
Masuuliyiinta ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta ay bulshada reer Dhuusamareeb, Golayaasha iyo Madaxda sare ee dowlad goboleedka Galmudug ugu sameeyeen Dhuusamareeb, inta wafdigaan uu hoggaaminayo Wasiir Cali Xoosh uu ku sugan yahay Galmudug waxay ka shaqeyn doonaan Arrimaha Dib u heshiisiinta, Xasillinta dalka iyo Doorashooyinka.
Advertisement