HomeWarkiiWasiirkii hore ee Gaashaandhiga oo xilka ku wareejiyay wasiirka cusub+SAWIRRO

Wasiirkii hore ee Gaashaandhiga oo xilka ku wareejiyay wasiirka cusub+SAWIRRO

No description available.MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa maanta Magaalada Muqdisho kagu qabtay munaasabad uu  Wasiirkii hore ee Wasaarada Gaashaandhiga uu xilka ugu wareejinayay wasiirka cusub wasaaradaasi .

Munaasabadaan waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre waxaana lagu qabtay Xarunta Wasaarada gaashaandhiga iyadoo dhanka kalana ay goob joog ka ahaayeen diblomaasiyiin shisheeye.

Wasiirkii hore ee wasaarada gaashaandhiga C/qaadir Maxamed Nuur oo si rasmi ah xilka ugu wareejiyay wasiirka cusub ayaa sheegay inuu xilka wareejiyay si milgo eh xili uu raalina ka yahay.No description available.

“mudane Ra’iisulwasaare waxaan xilka wareejinayaa anigoo abaal kaaga haya mudadii aad xilkaan igu soo kalsoonidii aad i siisay ,waxaan ku soo shaqeeyay duruufo adag sida inaan isku soo wadnay dhismaha ciidan qaran iyo la dagaalanka argagaxisada”ayuu yiri Wasiirkii hore

Sidoo kale Wasiirka cusub ee gaashaandhiga Jabriil C/rashiid Xaaji ayaa isna munaasabada uu xilka kula waregay ka sheegay inuu dareensan yahay culeys iyo sharafka uu leeyahay xilkaan.No description available.

“Waxaan ballan qaadayaa in aan si dhow ula shaqeyn doono Taliska Xoogga Dalka iyo cid kasta oo naga caawisa la dagaallanka Khawaarijta.” Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Jibriil Cabdirashiid Xaaji

Sidoo kale Ra’iisulwasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa isna munaasabada ka sheegayWasaaradda Gaashaandhiggu tahay halka ay taalo madax-banaanida iyo gobonnimada Soomaaliya,

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMNo description available.No description available.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -