Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa khudbad ka jeediyay shirka Wasiirada Waxbarashada ee Waddamada Islaamka, kaas oo lagu qabyay dalka Cummaan.

Wasiirka ayaa khudbaddiisa uga hadlay xaaladda waxbarashada dalka, dedaalada dowladda Soomaaliya ee ku aaddan sidii ay waxbarashada u gaarsiin lahayd carruurta Soomaaliyeed ee malaayiinta ah ee aan fursad waxbarasho haysan.

Advertisement

Wasiirka ayaa xusay in Dowladda Soomaaliya ay kordhisay miisaaniyadda ku baxdo waxbarashada, sidoo kale ay shaqaalaysiisay 6 kun oo macallin muddadii labada sanno ahayd ee lasoo dhaafay.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here