MUQDISHO (DAYNIILE.COM)- Waxaa saaka Magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi uu hogaaminayao Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Turkiga.

Wasiiro ka tirsan Dowlada Soomaaliya ayaa waasiirka Tamarta Turkey waxay ku soo dhaweeyeen garoonka adan abdulle international Airport  ee Caasimada Somalia .

Advertisement

Wasiirada Tamarta Somalia C/risaaq Cumar iyo Wasiirka gaashaandhiga C/qaadir Maxamed Nuur iyo masuuliyiin kale ayaa gudaha garoonka waxay uga hortageen wafdiga Wasiirka Tamarta Turkey iyagoona halkaasi ku soo dhaweeyay.

Wasiirka Tamarta Turkey imaanshiyaha ayaa daba socota ama lagu soo aadiyay sidoo kale imaanshiyaha saaka ee Markabka sahminta Shidaalka ee Dalka Turkey, wuxuna qeyb ka noqon doonaa xaflada soo dhaweynta iyo howlgelinta markabkaasi ee  ka dhaceysa Dekada Muqdisho.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM 

No description available.No description available.

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here