Muqdisho – 8-da October 2024, Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa magaalada Muqdisho ku qaabilay Ku-Xigeenka Agaasime Goboleedka UNDP ee Dalalka Carabta, Marina Walter. Kulankan oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Qorsheynta, ayaa waxa uu ahaa mid muhiim u ah xoojinta iskaashiga qotada dheer ee u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo UNDP.
Wasiirka oo ku soo dhaweeyay Marina Walter Soomaaliya iyo Wasaaradda, ayaa xusay in UNDP ay tahay saaxiib istiraatiiji ah oo muhiim u ah horumarinta Soomaaliya. Waxa uu uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee UNDP ay ku bixiso mashaariicda horumarinta dhaqaalaha iyo bulshadda, iyo sidoo kale ka qayb-qaadashada dib-u-habaynta Qorshayaasha Horumarinta Qaran.

Wasiir Beenebeene iyo Marina Walter ayaa diiradda saaray sidii loo dardargelin lahaa horumar waara iyo sidii loo heli lahaa dhaqaale dheeri ah oo lagu taageero mashaariicda dowladda ee la xiriira horumarinta. Waxay isku raaceen in iskaashiga joogtada ah uu fure u yahay gaarsiinta Soomaaliya guulo waaweyn oo dhinaca horumarinta.
May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 5 peopleMay be an image of 7 people and daisMay be an image of 1 person and newsroomMay be an image of 4 people, newsroom and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here