Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi uga furay shir heerkiisu sareeyo oo looga arrinsanayo qorshaha gaaritaanka Heshiis Bulsho iyo Sare u qaadidda dakhliga gudaha ee Dowladda Soomaaliya oo hadda la qorsheynayo in la gaarsiiyo heer looga maarmi karo kaalmooyinka dibadda.

Shirkan ayaa waxaa ka soo qayb galay Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada XFS, qaar ka mid ah xubnaha Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada, masuuliyiin kale oo ka socda Bangiga Adduunka, Saaxiibada Caalamiga ah ee Soomaaliya kala shaqeeya arrimaha Maaliyadda, Xafiiska arrimaha Bani’aadanimada ee Qaramada Midoobay iyo xubno matalayay Ururada Bulshada Rayidka, qaar ka mid ah ganacsatada Soomaaliyeed.

Mudane Biixi Imaan Cige, Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda oo furitaan khudbad ka jeediyay kulanka ayaa xaqiijiyay in Dowlada Federaalka Soomaaliya ay waddo dadaallo lagu xoojinayo hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda, sare uqaadidda dakhliga gudaha iyo dhameystirka wada-xaajidka Deyn Cafinta Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda ayaa sidoo kale xusay sida ay muhiim u tahay in dakhliga gudaha ay Dowladda kor u qaado, si loo gaaro horumar dhaqaale oo qeyb ka ah adeegga bulshada.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa qeyb ka ahaa doodo muhiim ah iyo su’aalo ku saabsan casriyeynta, sare u qaadidda, iyo horumarinta dakhliga iyo Cashuuraha oo laga weydiinayay madaxdii ka soo qeyb gashay shirka.
May be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 7 people, newsroom, dais and textMay be an image of 3 people, speaker, dais and textMay be an image of 1 person, table, lighting, crowd and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 1 person, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here