HomeWarkiiWasiirka Maaliyadda oo Mareykanka uga qeybgalaya shir caalami ah+SAWIRRO

Wasiirka Maaliyadda oo Mareykanka uga qeybgalaya shir caalami ah+SAWIRRO

May be an image of 8 peopleWasiirka Maaliyadda Xukumadda Federal ka Soomaaliya Mudane Biixi Iimaan Cige iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Washington DC oo lagu qabanayo shirka xiliga Gu’ga 𝐒𝐩𝐫𝐢𝐧𝐠𝐌𝐞𝐞𝐭𝐢𝐧𝐠𝐬𝟐𝟎𝟐𝟓 ee IMF iyo Bangiga Adduunka.
Wafdiga Wasiirka oo ka kooban xubno matalaya xafiisyada Madaxweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha, Wasaaradda Qorsheynta Qaranka, Bangiga Dhexe iyo Hey’adda Warbixinada Maaliyadda ayaa waxa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen madax sare oo ka tirsan labada hey’adood ee shirka qabanaya ka hor inta aysan dhicin kulamada guud ee loo dhan yahay.
Kulamadaan horudhaca ah ayaa ujeedkoodu waxa uu daarranaa sidii Dowladda Soomaaliya ay miiska wada hadalada ula tagi laheyd qorsheyaal cad cad oo ku saleysan hannaanka dib-u-habeynta dhaqaalaha dalka iyo helidda fursada maalgalineed ee ay hey’adaha Caalamku bixiyaan si loo maalgaliyo ilaha dhaqaalaha dalka si loo kobciyo wax soo saarka gudaha.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda XFS Mudane Biixi iImaan Cige ayaa sheegay in kulamadii horudhaca ahaa ee uu la qaatay Wakiilada IMF iyo Bangiga Adduunka in ay si guul ah ku soo dhamaadeen, haatanna ay isku diyaarinayaan ka qeyb galka fadhiyada guud oo lagu filayo in uu khudbado ka jeediyo Wasiirka.May be an image of 4 people and textMay be an image of 7 people, people studying and textMay be an image of 8 people and text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -