Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada oo ka qeyb-galay Shirka Maamulka Garaadka Macmalka ee Artificial intelligence (AI).

Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS Xildhibaan Maxamed Aadan Macalin Cali (Soomaali) ayaa Magaalada Geneva kaga qeyb- galay kulan muhiim ah oo dib loogu eegay Maamulka Garaadka Macmalka ee Artificial Inelegance- AI for Good 2024 oo hormar balaaran laga gaaray mudooyinkii dambe isla markaana looga faa’iideesan lahaa.

Si loo dhiso kalsoonida Xogta AI-da, aysan dhicin in banaanka u baxaan xog muhiim ah taasoo khatar ka dhalan karta, waxaa laga doodayaa in Dal walba sameesto sharciyo & habraacyo u gaar ah oo ku saleesan baahida dalkiisa ka dibna la jaanqaado kan aduunku ku midoobayo.

Wasiirka Isgaarsiinta Xildhibaan Maxamed Soomaali ayaa intii lagu guda jiray Shirka waxa uu adkeeyey muhiimadda iskaashiga caalamiga ah ee wax ka qabashada dhinacyada badan ee maamulka AI-da, Iyadoo wada shaqaynta noocan ah ay lagama maarmaan u tahay hubinta in dalalka soo koraya, sida Soomaaliya, ay ka faa’iidaystaan faa’iidooyinka waaweyn ee AI-da.

Ugu danbeyn Wasiirka ayaa Shirka ku soo bandhigay baahida loo qabo in la helo halbeegyo la isla ogolyahay, taasoo xaqiijinaysa inaysan jirin dal ka haraya kacaanka AI-da.
May be an image of 4 peopleMay be an image of 3 people and textMay be an image of 5 people, people studying and textMay be an image of 3 people and people studying
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here