Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada XFS, 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 𝗠𝗮𝗰𝗮𝗹𝗶𝗻 𝗖𝗮𝗹𝗶 (𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶) oo ka qeybgalaya Shirweynaha Dhijitaalka ee Dowladaha Afrika 2024 oo ka dhacay magaalada Lusaka ee wadanka Zambia ayaa kulan doceedyo la qaatay qaar ka mid ah wasiirrada dhiggiisa ah ee ka socday dalalka Afrika.
Ugu horeyn Wasiirka ayaa la kulmay Wasiirada Isgaarsiinta ee dalalka Zambia Iyo Burundi, waxa uuna kala hadlay xoojinta xiriirka iyo suurtagalnimada in la gaaro hishiishyo is afgarad oo u dhaxeeya dalalka iyo sidii loo kala faa’iideysan karo.

Sidoo kale Wasiirka ayaa la kulmay qaar ka mid ah Madaxda Shirkadaha ka shaqeeya Teknolojiyada oo danaynaya maalgashiga, waxa ayna soo dhaweeyeen horumarka ay Soomaaliya ka gaartay Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada.

Wasiirka Isgaarsiinta 𝗫𝗶𝗹𝗱𝗵𝗶𝗯𝗮𝗮𝗻 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶 ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirada uu la kulmay uu la wadaagay guulaha ay Dowladda Soomaaliya ka gaartay dhanka shuruucda iyo hormarinta Dhijitaalka oo dadaal badan lagu bixiyey.
May be an image of 9 people, people studying, table and textMay be an image of 7 people, people studying, table and textMay be an image of 5 people, suit and textMay be an image of 3 people and textMay be an image of 5 people and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here