Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka XFS Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa maanta xafiiska ku qaabishay Safiirka dowladda Ingiriiska u fadhiya Soomaaliya Amb Michael Nithavrianakis .
Kulanka oo Wasiirka uu ku wehliyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Maxamed Bashiir Cumar ayaa looga wada hadlay hawlaha horyaala ama hortebinta u leh Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka ayadoo Danjiraha UK ee Soomaaliya uu soo dhaweeyey in Wasiir Khadiija Al-Makhzoumi loosoo magacaabay Wasaaraddan Qoyska islamarkaana uu ballan qaaday iney la shaqeyn doonaan.
Dhinaceeda Wasiirka Wasaaradda Qoyska iyo Hormarinta Xuquuqul Insaanka Soomaaliya Amb Khadiija Maxamed Al-Makhzoumi ayaa ka mahad celisay taageerrada dowladda Ingiriiska ay siiso Soomaaliya waxaana ay dhanka kale sheegtay in hawlaha Wasaaradda horyaala ay yihiin kuwo qabashadooda ay ka go’an tahay islamarkaana ay diyaar u tahay oo ay soo dhaweyneyso cid walba oo kaalin ku yeelaneysa.