Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa falcelin uu ka sameeyay dadka diidan in ay xiligaan dalka ka dhici karto Doorasho qof iyo cod ah hordhigay in ay leeyihiin Kalsooni.
Waxa uu Tusaale usoo qaatay Musharraxa Burka oo sheegay in uu diyaar u yahay ka qaybgalka Doorashada Dadweyne isla markaana Ururkiisa ka diiwaangeliyay Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka iyo Soohdimaha.
“Dadka qaarkiis oo diidan in Shacabka awooda loo celiyo, doorasho qof iyo cod ah la’aado. Kalsoonida musharaxa Burka uu qabo xataa ma qabaan miyaa?” Sidaasi waxaa yiri Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac.
Xubnaha mucaaradsan in xiligaan Dalka ka dhici karto Doorasho Qof iyo Cod ah ayaa su’aalo dul dhigay suuragalnimada doorashadaas, waxa ay tilmaameen in sifooyinka lagu qabo wax badan ay ka maqan yihiin sida in aan laga wadatashan.
Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa dhowr jeer barahiisa xiriirka Bulshada uga soo jawaabay siyaasiyiinta ka aragtida duwan Dowladda Federaalka, qudhiisa ayaa loo jeediyay dhaliilo kale oo ah in faraha la galayo howl ka baxsan tan loo igmaday ee difaaca sida hadalka loo dhigay.