MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur ayaa si rasmi ah goor dhaw u xaqiijiyay in Ciidamada Itoobiya laga reebay howlgalka cusub ee badeli doona ATMIS.
“waxaan idiin xaqiijinayaa in Ciidamada Itoobiya laga reebay howlgalka cusub ee ciidamada ka socda Midowga Afrika ay Soomaaliya kaasoo bilaabaya horaanta sanadka 2025-ka”ayuu yiri Wasiir C/qaadir.
Wasiirka oo sharaxayay sababta looga reebay ayaa xusay inay tahay kadib markii Dowlada Itoobiya u bareertay ku xad-gudubka qaranimada Soomaaliya.
“waqtigeeda marka la gaaro ayaan cadeyn doonaa Dowladaha cusub oo aan u yeeran doono iyo kuwa ka hari doona Dowladihii hore laakiin hada kaliya waxaa idiin xaqiijin karnaa in Itoobiya ka hartay howlgalka cusub”ayuu yiri wasiirka difaaca Somalia.
Wasiirka wuxuu dhanka kale ka hadlay farqiga u dhexeeya howlgalkii hore iyo kan cusub ayaa daboolka ka qaaday inuu kaga duwan yahay tirada ciidamada oo uu sheegay inay aad u yaraan doonaan howlgalka cusub.
Sidoo kale wuxuu sheegay in meelaha ay ka howlgeli doonaana ay aad u yaraan doonaan ,islamarkaana kaliya uun laga rabo Howlgalkaan cusub inay caawiyaan ciidamadeena laakiin shaqada inta ugu badan sida hada ay tahayba waxaa haya ciidamada qaranka Somalia iyo shacabkooda.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM