Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa la kulmay dhigiisa dalkaas Abdul Majeed Saqr.
Labada Wasiir ayaa ka wadahadlay sii adkeynta iskaashiga dhanka ciidanka iyo amaanka ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar, Masuuliyiinta ayaa sidoo kale ka wadahadlay howlgalka cusub ee Midowga Afrika ee AUSSOM kaas oo Soomaaliya ka bilowday 1-dii bishaan Janaayo.



Advertisement