Wasiirka Gaashaandhigga Cabdulqaadir Maxamed Nuur oo beeniyay in  diyaaradaha dagaalka ee dowladda Turkiga ay Soomaaliya duqeymo ka fuliyaan  – Qaranimo Online

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Gaashaan-dhigga Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur ayaa durba jawaab kulul siiyay Dowlada Itoobiya oo ka qeylisay talaabooyinka ay qaaday Dowlada Somalia iyo Ciidamada Masar ee soo gaaray Somalia.

Advertisement

Wasiir C/qaadir wuxuu bartiisa Facebook ku soo bandhigay qoraal gaaban oo jawaab u ah warka Itoobiya ee ahaa inay Somalia heshiisyo la gashay dalal shisheeye oo isku dayaya  inay xasilooni daro ka abuuraan dalalka Gobolka.

“Ethiopia haloo sheego Gobolka wuxuu qalalaase galey maalintii ay soo damaaciyeen dhulka Soomaaliyeed islamarkaana inkireen madax banaanideena dhuleed, siyaasadeed iyo wadajirka Soomaaliya” ayuu yiri Wasiirk Gaashaandhiga Somalia

“Itoobiya Waxba yaaneey barooran, ninba geedkuu beerto ayuu miraheeda gurtaa!”ayuu yiri Wasiir C/qaadir Maxamed Nuur ayuu mar kale yiri Wasiirka.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here