Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya  C/qaadir Maxamed Nuur ayaa maanta shir la qaatay dhigiisa Dalka Turkey Yaşar Güler intii xili ay iskala qeybgaleen bandhiga EFES-2024.
Labada Wasiir waxay ka sheekeysteen xirirka labada dal iyo fulinta heshiisyadii ugu danbeeyay ee labada dal gaar ahaan kii amniga Badda Somalia oo hore labadooda wasiir u kala saxiixdeen.

Soomaaliya oo ah dalka labaad ee  Afrika ugu xeeb dheer ayaa hadana waxaa ku hareereysan caddow badan, hadii ay ahaan lahayd kuwa malayga dhurta .kuwa qashinka haraaga nuyukleerka ku daadsha iyo kuwa damaca uga jiro inay boobaan qeyb ka mida badda Somalia.
Dhawaan ayay ahayd markii maraakiib dagaal ay soo gaareen xeebaha Soomaaliya kuwaasoo bilow u ah ciidamada turkey ee ilaain doona bada Somalia.
“Walaalaheena Turkiga waxay kaalin weyn ka qaataan dhismaha ciidankeena, hormarintooda iyo la dagaalanka Khawaarijta,” ayuu yiri Wasiirka Difaaca Soomaaliya.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
May be an image of 2 people and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here