Wasiirka Difaaca Soomaaliya C/qaadir Maxamed Nuur ayaa mar kale ka hadlay dulmiga Dowlada Itoobiya ku heyso Soomaali iyo hogaan xumida ka jirta Dowladaaasi dariska la ah Soomaaliya.
Wasiirka waxa uu sheegay in talada dalkaasi uu gacanta u galay koox askar ah isagoona xusay Abiy Axmed iyo taliyaha ciidamada Berhanu Jula kuwaasoo sidan doonaan ka yeelaya hogaankooda walow caasimada kaliya ay hada ka taliyaan sida wasiirku xusay.
Wasiir C/qaadir wuxuu sidoo kale caraka ku dhuftay in Abi iyo Jula aysan ogeyn Soomaalidu meel kasta ha joogaane inay yihiin dad
isku heyb ah, isku diin ah,isku dhaqan iyo af ah,sidoo kale isku qadiyad ah.
“wiilka iyo gabadha soomaaliyeed ee ku sugan Jigjiga, Boorama, Hargeysa, Boosaaso, Gaalkacyo, Baydhabo iyo Kismaayo waxay sugayaan inta aan firimbiga difaaca qaranka ka yeerineyno oo kaliya”ayuu yiri Wasiirka Difaaca Somalia.
“hadiid Taliyaha ciidamada Itoobiya uu xisaabsanayo ciidamadiisa kumanaanka ah iyo taangiyada duqoobay ha ogaado inay ka soo horeeyaan malaayiin soomaali ah oo dhimashada ka jecel nolosha , sidoo kalana kaalma shisheeyana aan u baahneyn”ayuu mar kale yiri Wasiirka Difaaca Somalia.
Dhanka kale wasiirka wuxuu shaaciyay in Somalia nabad iyo darisnimo diyaar la tahay oo aysan marnaba dagaal taageereyn.
” hadiise nabad laga waayo Abiy & Jula ha la arko ciddi cabsi darteed hilibka cayriinka ku cunta si aan iftiinka dabka loogu soo raacin”ayuu yiri wasiir C/qaadir,
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Wararka Maanta: Arbaco, Aug 24, 2022-Wasiirka Gaashaandhiga “Qof Al-shabaab  ku hoos nool oo xor ah ma jiro, Ilmihiisa iyo gabadhiisa xor uma aha oo waa  laga kaxeysanayaa"
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here