Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Danjiraha Dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu ayaa magaalada Muqdisho ku yeeshay kulan wax ku ool ah oo looga hadlay xiriirka iyo taageerada hanaanka dib-u-dhiska dawladeed ee ka socda Soomaaliya gaar ahaan dhisidda awoodaha istiraatijiyadeed ee difaaca.

Safiirka Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Mudane Wang Yu ayaa ku bogaadiyay dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed horumarinta iyo dadaalka xoogan ee dib u xoreynta, soo celinta aminiga iyo dib u dhiska Dalka.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa uga mahad-celiyey dowladda Shiinaha kaalintooda ku aaddan taageerada Joogatada ah ee Soomaaliya.
May be an image of 2 people, dais and newsroomMay be an image of 5 people, newsroom and dais
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here