May be an image of map and text
Wasiirka Gaashaandhiga XFS Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa shacabka la wadaagay hambalyada maalinta Calanka Somalia ee 12ka October.
“Waxaan guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa sannad-guurada 70-aad ee Munaasabadda Maalinta calanka oo ku beegan maalintii ugu horreysay ee ciideena laga taagay calankeena Cawaale ee 12-kii October 1954-tii.” Ayuu yiri Wasiir Cabduqaadir.
Sidoo kale Xildhibaan C/raxman C/shukuur ayaa isna qoraal uu baraha bulshada soo geliyay wuxuu kaga hadlay maalinta calankeena, wuxuuna u qornaa qoraalkiisa sidan:-

Calanku waa maro, micnase waxaa u yeela awoodda qaranka uu astaanta u yahay iyo itaalka dowladdiisa. Cisi waan u yeeli karnaa haddii aan u hawlgalno sidii aan u quwayn lahayn qaranka, u awdi lahayn irdihiisa ballaqan, una midayn lahayn ummadeenna.
Hanbalyo maalinta calanka Soomaaliyeed.
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here