Iyadoo lagu guda jiro Shirweynaha Cimilada ee COP29 , ayaa maanta Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada JFS, Amb. Khadija Mohamed Almakhzoumi, ka qeyb qaadatay madal looga hadlay mowduuca “Dunidooda, Dunideenna,” oo ujeedkiisu yahay in carruurta iyo dhalinyarada laga dhigo udub dhexaadka wax ka qabashada isbeddelka cimilada.
Iyadoo Soomaaliya ay la tacaaleyso saameynta ugu daran ee isbeddelka cimilada, waxay ahayd fursad weyn in Wasiirka Wasaaradda Deegaaanka iyo Isbeddelka Cimilada ay madasha ka iftiimiso baahida degdegga ah ee loo qabo siyaasado cimilada ah oo waxtar u leh carruurta. Soomaaliya waxay kaalinta afaraad kaga jirtaa Heerka Halista Cimilada ee Carruurta, waxaana carruurteenna si gaar ah u saameeya abaaraha daran, fatahaadaha, iyo cudurrada faafa. Si kastaba ha ahaatee, waa inaan hubinnaa in carruurta iyo dhalinyarada aysan noqon oo kaliya kuwa ugu nugul, balse ay udub-dhexaad u noqdaan xalalka iyo jawaabaha caqabadaha cimilada.
Kaliya 2.4% maaliyadda cimilada ee caalamka ayaa hadda ku wajahan wax ka qabashada dhibaatooyinka carruurta, taas oo aan ku filnayn si loo ilaaliyo jiilalka soo socda. Waa in tani is beddeshaa. Maalgelinta la xoojiyey ee caafimaadka, waxbarashada, iyo adeegyada WASH ayaa muhiim u ah in la dhiso adkeysiga carruurta Soomaaliyeed iyo carruurta caalamka oo dhan.
Gunaanadka Wasiir Khadija ayaa ugu dambeyn tiri” Aad ugu mahadcelinayaa @UNICEF iyo dhammaan hay’adaha ka shaqeynaya sidii Soomaaliya iyo dalalka kale uga caawin lahaayeen in la hormariyo kuwa ugu nugul ee dadaalladeenna cimilada. Aan wada shaqeyno si aan u abuurno mustaqbal waara oo sinaan leh oo loogu talagalay carruurta oo dhan:.
Advertisement