BALADWEYNE (DAYNIILE.COM)-Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta Xukuumada Soomaaliya  Daahir Shire Maxamed ayaa maanta socdaalkiisii ugu horeysay kaga baxay Magaalada Muqdisho tan iyo markii xikaani loo magacaabay maalmo ka hor.

Wasiirka iyo xubnaha la socda ayaa gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabelle halkaasoo ah deegaan doorashadiisa uu asal ahaan ka soo jeedo wasiirku.

Advertisement

Wasiirkii Hore ee Batroolka C/risaaq Cumar oo Xisbiga Madaxweynaha ku jira ayaa lagu badalay dhawaan markii uu khilaa soo kala dhex galay isaga iyo Madaxda sare ee Dowlada Somalia.

Wasiirka cusub ee Batroolka Daahir Shire Maxamed waxaa ku wehliya socdaalkiisa xildhibaanada Dowlada ee ka soo jeeda Gobolka Hiiraan waxaana wararka aan heleyno ay sheegayaan inay qeyb ka noqon doonaan kulamo Baladweyne ka dhici doona oo looga hadli doona xalinta xiisadii ka dhalatay ciidamadii Dowlada ee khamiistii hore lagu dilay Magaalada Ceel-baraf.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COMMay be an image of 7 people, helicopter and textMay be an image of 7 people, aircraft and textMay be an image of 4 people

May be an image of 14 people, aircraft and textMay be an image of 7 people and helicopterMay be an image of 8 people, helicopter and textMay be an image of 7 peopleMay be an image of 8 people, helicopter and text

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here