Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Cali Xaaji Aadan ayaa ka falceliyay hadal kasoo yeeray Guddoomiyihii hore Gobolka Hiiraan Cali Jeyte oo ahaa in ‘AS & Dadka ku nool deegaannada ay maamulaan aanay u kala soocnayn’.
Dr Cali waxa uu sheegay in arrintaasi ay tahay mid aanay ka tarjumeyn mas’uuliyad isla markaana hadalkaas uu kicnayo dhiilo dan u ah ‘AS’ kana faa’iideysan karto sida uu hadalka u dhigay Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay in la diyaariyay ciidamo iyo dad deegaan ah oo duullaan ku ah ‘AS’ waxaana uu soo jeediyay in hoos loo dhigo lagana gudbo hadallada xanafta leh ee Mas’uuliyiinta Dowladda is dhaafsanayaan sida uu yiri.
“Hadallada xanafta leh ee isu jawaabidda ah waxaa ka faa’iideysanaya ‘AS’ ee waxaa habboon in la joojiyo lagana fiirsado waxa la dhahayo, Dadka ku hoos nool Khawaariijta kuma qanacsana ee waxa ay rabaan in laga dul xorreeyo, is la isku kalsoonaado oo la is garabsado ayaa guusha lagu gaari karaa” Dr Cali Xaaji Aadan, Wasiirka Caafimaadka XFS.
Saacadihii lasoo dhaafay waxaa hadallo kulul is dhaafsadeen mas’uuliyiin haatan xilal heysa iyo kuwo horay usoo qabtay kaddib markii Guddoomiyihii hore ee Gobolka Hiiraan uu sheegay in Rayidka degen deegaannada ay joogaan ‘AS’ ay lamid yihiin sida uu hadalka u dhigay.