Wasiirka Wasaaradda Beeraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, iyo wafdi uu hoggaaminaayo, ayaa magaalada Berlin ee caasimada dalka Jarmalka kaga qeyb galay Shir ku saabsan horumarinta Beeraha.
Wasiirka ayaa intii uu ku sugnaa goobta shirka, waxa uu kulamo gaar gaar ah la yeeshay Wasiirrada Beeraha dalal kala duwan iyo mas’uuliyiinta hay’adaha caalamiga ah ee shirkaas ka qayb galay.
Sidoo kale, Kulamada mas’uuliyiinta ayaa diiradda lagu saaray si guud xaaladda Beeraleyda Soomaaliyeed, caqabadaha haysta iyo dadaalada lagu horumarin karo waxsoosaarka iyo kobcinta Beeraha Soomaaliya.
Dhanka kale, Wasiirka ayaa carrabka ku adkeeyay in la kordhiyo maalgelinta iyo mashaariicda lagu taageerayo Beeraleyda Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool deegaanada ay saameeyeen isbeddelka cimilada iyo abaaraha soo noqnoqday.
Shirkan ayaa ah mid sannad waliba la qabto, iyada oo diiradda lagu saara horumarinta Beeraha Caalamka, is weydaarsiga aqoonta iyo iskaashiga dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya arrimaha beeraha.