
Jacob Marksons Oboth wuxuu sheegay in kooxda Alshabaab ay wadaan dhul balaarsi sidaas daraadeedna ay tahay in la xoojiyo ciidamada midowga Afrika ee Somalia ka howlgala.
Sidoo kale wuxuu xusay in Amniga Somalia uu xaalad qatara ku sugan yahay isagoona ku baaqay in la hor tago dhaq dhaqaaqyada kooxda Alshabaab ee dhul balaarsiga ku saleysan.
“Hadii aan laga hor tagin dhul baraarsiga kooxda alshabaab waxay wiiqi doontaa guulihii ciidamada Midowga Afrika ay hore uga gaareen la dagaalanka kooxda alshabaab”ayuu yiri Wasiirka Amniga
Wasiirka wuxu sidoo kale ka dhawaajiyay in kooxda xag-jirka ah ee Alshabaab sida uu warka u dhigay ay halis ku yihiin jiritaanka Dowlada Somalia iyo guud ahan amniga geeska Afrika.
“Alshabaab waxay rabaan inay qabsadaan xarumaha muhiimka ah” ayuu mar kale ka dhawaajiyay wasiirka amniga Uganda.
Hadalada dalalka Afrika ee maalmihii ugu dambeeyay ay ka sheegayeen xaalada Somalia iyo dagaalka Alshabaab lagula jiro wuxuu u muuqdaa kuwo ka bad badin kaliyana ujeedka ay leeyihiin ah sidii ay dhaqaale uga sameyn lahaayeen waxaan difaaceynaa Dowlada Somalia.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM