Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag si kulul u dhaliilay kadib markii uu weerar afka ah ku qaaday Axmed Madoobe oo ah Madaxweynaha is caleema saaray ee Maamulka Jubaland.
Wasiir Fartaag wuxuu sheegay in Axmed Madoobe ka baxay dhamaanba nidaamka Dowladnimada sidaas daraadeed wixii hada ka danbeeya la iska dhicin doono sida uu warka u dhigay
Advertisement
“Axmed Madoobe wuu ka baxay xeyndaabka dowladnimada wuuna alaagoobay ,waana la iska dhicinayaa”” ayuu yiri Wasiir Fartaag
Sidoo kale Fartaag wuxuu ku eedeeyay Axmed Madoobe inuu diidan yahay in Alshabaab laga adkaado isagoona tusaale u soo qaatay dagaalkii Raaskanbooni markaasoo ciidamadiisu soo dhex mareen Alshabaab.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
Advertisement