Wasiirka Amniga Gudaha XFS Mudane Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa soo xiray tartanka Qur’aanka kariimka ee ay ka qayb galeen Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed.

Munaasabadda xiritaanka tartanka ayaa lagu guddoonsiiyay abaalmarino ciidamadii kaalmaha koowaad, labaad, iyo saddexaad ka galay tartanka.

Wasiir Fartaag ayaa sheegay in muhiimad gaar ah la siin doono ciidanka xafida Qur’aanka, laguna qiimeyn doono aqoontooda diineed, isagoo xusay in horumarinta aqoonta diinta ay tahay mid ka mid ah mudnaanta waaxda amniga gudaha, si loo dhiso ciidamo leh aqoon iyo anshax wanaagsan.
May be an image of 7 peopleMay be an image of 3 people, dais and textMay be an image of 4 people, dais and textMay be an image of one or more people, dais and textMay be an image of 5 people and daisMay be an image of 1 person, dais and textMay be an image of 2 people, dais and text
Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here