Munaasabad Balaaran oo lagu Soo xirayo Xaflada Taba barada Boliiska Bulshada iyo Ilaalinta Caruuta ayaa lagu qabtay Dugsiga Taba barka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Guuto Kaahiye ee Magalada Muqdisho.
Munaasabadaasi waxaa soo qaban qabn-qaabiyay hogaanka xiriirka bulshada ee ciidanka Boliiska Soomaaliya,
waxana munaasabadaasi ka soo qeybgalay Wasiirka Amniga gudaha Jamuuriyada Fadaraalka Soomaaliya S/Guuto C/llaahi Shiikh Ismaaciil (Fartaag), wasiirka Bey”ada iyo isbadalka Cimilada Khadiijo Maxamed Almaqzuumi Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed S/Sulub Axmed Firin, G,Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale), Gudoomiyaasha Dagmooyinka Gobolka Banaadir Taliyaha Ciidanka Boliiska ATMIS Saraakiil iyo Bulshada Qeybahooda kala Duwan.
U jeedka Taba barkan ayaa ahaa wada Shaqeynta Boliiska iyo Bulshada si looga wada shaqeyn lahaa amniga Dalka gaar ahaa caasimada.
Advertisement