Muqdisho-Soomaaliya December, 10, 2024:
Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, General Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta ka furay magaalada Muqdisho shir ku saabsanaa horumarinta wejiga labaad ee Barnaamijka Wadajirka Booliska (Joint Police Programme – Phase 2, JPP2).
Shirka ayaa diiradda lagu saaray qorshaha sanadka 2025 iyo miisaaniyadiisa, iyadoo si faahfaahsan looga dooday hirgelinta iyo isku-duwidda barnaamijka.
Ugu dambeyn, shirka ayaa lagu ansixiyay qorshaha sanadeedka Barnaamijka 2025 miisaaniyaddiisa, taasoo qeyb ka noqonaysa dadaallada lagu xoojinayo amniga iyo tayeynta Booliska Soomaaliyeed si ay uga jawaabaan baahiyaha amni ee bulshada.
Iyada oo ay shirka goobjoog ka ahaayeen Wasiirro ka socday qaar kamid ah dowlad gobolleedyada dalka.
Advertisement