CABUD-WAAQ (DAYNIILE.COM)-Wasiirka Amniga Dowlada Soomaaliya Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa goor dhaw gaaray Magaalada Cabud-waaq ee Gobolka Galgaduud.

Wasiirka iyo wafdi uu horkacyo ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada waxaana qeyb ka ahaa masuuliyiin ka tirsan  Maamulka Galmudug iyo qeybaha kale ee bulshada.

Advertisement

Warar ku dhaw dhaw Wasiirka ayaa sheegaya inuu halkaasi u tagay sidii u furdaamin lahaa in shacabka reer Cabud-waaq laga soo celiyo hubkii gacantooda galay.

Wasiirka marka hore wuxuu kulamo la qaadan doonaa maamulka iyo odayaasha si ay gacan uga geystaan soo celinta hubka ku maqan shacabka.

Lama saadaalin karo sida ay Wasiirka iyo maamulku ugu fududaan karto in dib looga celiyo shacabka hub ay maalmo ka hor bililiqeysteen.

XAFIISKA WARARKA 

DAYNIILE.COM 

Advertisement
         

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here