Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya C/llaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) iyo Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa isla daahfuray dib-u-dhis iyo casriyeyn lagu sameeyey taliska qeybta guud ee ciidanka Nabad-gelyada waddooyinka ee (Traffic).
Munaasabada daah-furka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa masuuliyiin kale sida Taliyaha ciidamada Taraafikafa,Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda maamulka gobolka Banaadir iyo saraakiil Ciidan.
WasiiXr Fartaag oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa amaanay adeegga ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan ciidanka Taraafikada isagoona xusay in dib u hagaajinta xarunta ay kaalin weyn ka qaadan doonto howlaha shacabka loo hayo.
Taliye Sulub ayaa si weyn u amaanay ku simaha taliyaha taraafikada oo waxqabad weyn muujiyay mudo laba bilood ah uu ku sime ahaa,taliyaha ayaa ku tilmaamay 2 bil oo 20 sano ka qiima badan.
“Waxaan diyaar u nahay in aan xoojino shaqada ay qabtaan ciidanka Taraafikada sidoo kalena aan buuxino baahiyaha ay qabaan”.ayuu yiri Taliye Sulub